MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta meel fagaare ah waxay ku gubeen daraagis badan oo ay qamra badan ku jirto kuwaasoo howlgalo lagu soo qabtay.

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo goobta fagaaraha ka hadlay ayaa sheegay in daraagiskaan uu yahay mid bishii ugu danbeysay laga soo aruurshay deggmooyinka Xamar si kala duwan.

Advertisement

“dhamaan saldhigada Muqdisho wixii daroogo ay soo qabteen ayaan isku soo wada darnay waxaana ku gubeynaa halkaani si bulshada u aragto”ayuu yiri Macalin Mahd

Taliyaha wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday dhibaatada daroogada iyo ap-ka 1xpet ay ku leeyihiin reer Muqdisho ayuu carabka ku adkeeyay inay labadoodaba caqabad ku yihiin Xasiloonida Caasimadda iyo horumarka bulshada.

“mid kasta oo dhac geysta ama wax dila waad ogtihiin wuxuu sababsaday isticmaalka daroogada sidaas daraadeed cid kasta aan ku aragno daroogada iyo 1xpet  waan la dagaalameynaa si aan u hubino bulsho nadiif ka ah”ayuu yiri Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday goobta Boliisku ku gubayeen daroogada wuxuuna ka jeediyay hadalo kooban.

Duqa Muqdisho wuxuu ku amaanay laamaha Amniga howlgallada ay kusoo qab qabteen Maandooriyaha, asigoona ka digay  isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of fireMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of textMay be an image of 12 people and textNo photo description available.May be an image of textMay be an image of 7 peopleNo photo description available.May be an image of 9 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here