Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka qaran ee Qaraxi Liido Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shalay  shir Guddoomiyay kulan uu yeeshay guddiga gurmad qaran.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubnaha kale ee guddiga.

Kulankaan ayaa si gaar ah waxaa looga hadlay xaalada dhaawacyada wali isbitaalada ku jira, sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in min 2,000 oo dollar la siiyo qoysaska ehelladooda ku waayay weerarkii Xeebta Liida, kuwaas oo haatan inta la xaqiijiyay gaaraysa dhimashadooda 41 ruux balse inta la hubiyay ee lacagta la siinayo ayaa ah 31 qof ehelladooda kuwaas oo maray habraacyada Hay’adda.
May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, lighting, table and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here