Warbaahinta Dowlada ayaa goor dhaw lagu shaaciyay in la soo ajaray isku daygii shalay kooxda Alshabaab ay ka sameysay Gobolka Shabeelaha dhexe markii ay qabsadeen dhowr tuulo.
Warka dowlada dhankeeda ka soo baxay ayaa sidan u qornaa:-
idanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Dadka deegaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaad fara ku tiris ahaa, halka intii carartay lagu sii baacsanayo dhulka howdka ah, kadib markii la laayay intii ugu badneed Khawaarijtii soo qaaday weerarka fashilmay.

Inta la ogyahay in ka badan 130 Khawaarij ah ayaa lagu laayay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hirshabeelle.

Halkaan ka arag Maydadka Khawaarijta ee wali daadsan qaar ka mid ah goobihii casharada lama iloobaanka ah loogu dhigay cadowga.👉
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here