Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle waxa uu muddo dheer ka tirsanaa kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed isagoo kaalin muuqata kasoo qaatay wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya, maanta ayaana lagu aasay Deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumka kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin .
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
May be a black-and-white image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here