Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Marxuumad Luul Jeeylaani Cali oo ka tirsaneyd fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi.
Allaha u naxariistee Marxuumad Luul Jeeylaani oo ku geeriyootay dalka Mareykanka waxa ay ka tirsaneyd fanaaniinta masrixiyadda Banaadiriga ayadoo fanka Soomaaliyeedna si aad ah uga dhex muuqatay beri samaadkii ayadoo ka tirsaneyd hobollada Qaranka ee Waaberi.
Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. …Aamiin
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Advertisement