HomeWarkiiDowlada oo ka hadashay geerida Gen.Sheegoow iyo sababta keentay

Dowlada oo ka hadashay geerida Gen.Sheegoow iyo sababta keentay

Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay geerida shalay galab ku timid Gen.Sheegoow Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka hadlay wuxuuna sheegay in sarkaalkaasi ka tirsanaan jirey ciidamada Xooga Somalia uu u geeriyooday cudurka Cagaarshowga oo maalmihii ugu dambeeyay laga daweynayay balse ugu dambeyn uu ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

“Viruska oo mudo uu la noolaa ayaa sababay inuu beerka shaqeyn waayo markii uu isku badalay kansar taasaana keentay geerida Sheegoow sida ay noo sheegeen dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer waxaana leenahay Allaha u naxariisto”ayuu yiri Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in ehalada Sheegoow uu kula kulmay Isbitaalka uuna uga tacsiyeeyay, ehelkiisana waxaan leeyahay sabir iyo iimaan allaha ka siiyo.

Wasiirka mar wax laga weydiiyay in Dowladu la tacaashay xanuunka Sarkaalkaasi Soomaaliyeed ayuu ka sheekeeyay cudurka hayay Sheegoow iyo halistiisa iyo waliba marxalada kansarka ee uu soo gaaray intaba isagoo sheegay in haduu kansar isku badalo ay adag tahay inuu qofku noolaado.

“la tacaalid way jirtay laakiin isbitaalka dhowr mar ayaa la keenay ugu dambeyna waxaa la cadeeyay in cagaarshowgii hayay sheegoow inuu isku badalay hibataytis B oo ah nuuca ugu qatarsan oo ay adag tahay in qofku noolaado, si kastaba warbixin qoraala oo dhameystiran ayaan ka sugeynaa isbitaalka” ayuu yiri mar kale Wasiirka

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMWasiirka Caafimaadka oo soo xirey Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda  Caafimaadka iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada. - Wasaaradda Caafimaadka  Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -