War saxaafadeed
Muqdisho 20 February 2025: Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa si wayn ugu jabiyay weerar nafla caari ah oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ayaa ku dilay hawlgalada lagu jabiyay cadowga in ka badan 130 Khawaarij ah, waxaana sidoo kale Khawaarijta looga furtay hub badan.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku hungoobay damacooda ayaa hadda haraadigooda waxaa lagu sii baacsanayaa dhulka howdka ah.
Xogta faahfaahinta ugu danbaysa sida Khawaarijta loogu jabiyay weerarka nafla caariga ah oo ay soo qaadeen dib ayaa laga soo gudbin doonaa.
Dhammaad
Advertisement