HomeWarkiiCiidamada Dowlada oo goor dhaw dib ula wareegay Sabiib iyo Caanoole

Ciidamada Dowlada oo goor dhaw dib ula wareegay Sabiib iyo Caanoole

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Sida uu goor dhaw cadeeyay afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Somalia Sjheekh Abukar Ciidamada Dowlada ayaa goor dhaw dagaal kula wareegay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka shabeelaha hoose.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in khasaare badan Alshabaab ay ku gaarsiiyeen dagaalka ay saaka dib ugu soo ceshadeen deegaanada Sabiib iyo Caanoole.

“ciidamada Dowlada waxay fuliyeen nadiifin iyo dib ula wareegid deegaanada Sabiid iyo Caanoole”ayuu yiri Afhayeenka.

Warka masuulkaani ayaa ku soo aadeya xili saaka Ciidamada Dowalda cir iyo dhul ka weerareen deegaanada Caanoole iyo Sabiid oo maalmo ka hor Alshabaab qabsadeen kaasoo saacado socday ugu dambeyna ciidamada Dowlada u suurageliyay inay dib ula wareegaan deegaanadaasi oo Dowlada muhiim u ah madaama laga waardiyeeyo amniga caasimada Muqdisho.

Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaa la soo sheegayaa inay u ruqaansadeen dhanka Bariire iyo Owdheegle oo iyagana maalmihii ugu dambeeyay ay Alshabaab la wareegeen,warar ayaa tilmaamaya in mar hadii sabiib iyo caanoole laga saaray Alshabaab ay sahlanaan doonto inay laga saaro Bariire iyo Owdheegle.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -