Dowlada faderaalka Soomaaliya ayaa warqad kale ay u qortay Qaramada Midoobe waxay dib uga laabatay dalabkeedii dhawaan ay qaramada midoobe u gudbisay kaasoo ahaa in la xiro Xafiiska Kaalmada Samaliya ee Qaramada Midoobe;kaasoo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (UNSOM).

Wararka ku saabsan sababta Dowlada Somalia uga laabatay go’aankeeda ayaa lagu sheegay cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Advertisement

Warar kale ayaa sheegaya in talaabadaani ay ka danbeyso kadib markii ay qadka taleefoonka ku wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guters.

Labadaani masuul ayaa isla soo qaaday go’aano ka dhashay dib uga laabashada Dowlada go’aankeeda kaasoo ah  in la sameeyo gudi wada-jir ah oo ka shaqeyn doona  sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka Dowlada ay u dirtay Qaramada Midoobe ee dib uga laabashada ayaa lagu xusay in Dowlada dhankeeda diyaar u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka ee UNSOM

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here