Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in dalka dib loogu soo celiyo qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Caden.

Dadkan oo gaaraya 157 qof oo Soomaali ah ayaa ka koobnaa rag, haween iyo carruur kuwaas oo qaba daruufo isugu jira mid nololeed iyo mid caafimaad , waxaana dib u soo celintooda ka shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo kaashaneysa Hay’adda UNHCR.

Cabdikariim Naasir Saciid (CABDIDHEEG) siihayaha safaradda Soomaaliya ee dalka yemen oo dekeda kula hadlay shacabkan ayaa u rajeeyay in ay si nabad ah ku gaaraan dalkooda, isaga oo u mahadceliyay Madaxweynaha dalka DR. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda mudane Xamse Cabdi Barre, madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hay’adda UNHCR iyo Dowladda Yemen kaalinta ay ka geysteen dib-u-celinta shacabkan.
May be an image of 4 people, boat, crowd and textMay be an image of 4 people, turnstile, train and crowdMay be an image of 5 people, boat, crowd and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and boatMay be an image of boatMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person and trainMay be an image of 4 people, boat and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here