MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa beenisay inay istaageen Duulimaadyada diyaaradaha ee aadi jiray magaalda Baydhaba kadib amar dhankooda ka yimid sida baraha bulshada lagu faafiyay.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista Soomaaliya Axmed Macallin ayaa u sheegay idaacada VOA-da laanteeda afka soomaaliga in aysan jirin wax hakad ah oo ku yimid duulimaadyada diyaaradaha ee aada j Baydhaba.

Advertisement

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Masuulkaani wuxuu carabka ku dhuftay shalay ay diyaarado badan Baydhaba taageen kuwaasoo qaarkood UN-ka laga leeyahay islamarkaana ay si nabad ah uga soo laabteen.

“Waan arkaayay saaka in barajha bulshada waxa lagu qor qoraaay, waxba kama jiraan caqabad ka jirta duulimaadyada Baydhaba ,jawigu waa caadi iyo gobolada oo dhan wax dhibaato ah ma jiraan ,way jiraan taleefoono Baydhabo nooga yimid laakiin waxaan u xaqiijinay inay jirin wax is badal, hadii diyuuradaha wax laga badalaayo waxaa u xilsaaran Dowlada Somalia”ayuu mar kale yiri Maareeye Axmed Macallin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in la hakiyey duulimaadyada Baydhaba

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here