MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii shalay la baahiyay in Dowlada Somalia ay u yeertay Safiirka Kenya islamarkaana ay wax ka weydiisay safarkii Axmed Madoobe ayaa waxaa gabi ahaanba warkaasi beeniyay Dowlada faderaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya inay u yeertay Safiirkeeda dalka Kenya Jabriil Cabdulle .

Advertisement

“guud ahaan wararka la baahiyay baraha bulshada waa kuwo been abuur ah”ayaa lagu yiri warka wasaarada arimaha dibada Somalia.

Inkastoo warkaani aadka loo baahiyay ay beenisay Dowlada hadana safarkii Axmed Madoobe iyo diyaaradii qaaday intaba kuwaasoo dhamaan xad-gudub ku ah go’aamadii Dowlada ayaa laga yaabaa inuu hoos u dhigo xiriirka labada Dowladood ee Kenya iyo Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here