MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay war ay ku qanci karaan bajaajleyda Muqdisho kuwaasoo maalmihii ugu dam-beeyay sameynayay dibad-baxyo cabasho ah oo rabshadana watay kaasoo keenay inay wadooyin waa weyn xirtaan bajaajleyda islamarkaana ay gacmaha isla galaan ciidamada Dowlada Somalia.

Wasiirka Gaadiidka xukuumada Soomaaliya iyo Duqa Muqdisho ayaa maanta yeeshay kulan ujeed-kiisu ahaa xalinta waxyaabihii ay tabanayeen bajaajleyda,waxayna soo saareen wax ka badalka qarashaad hore loo dul dhigay bajaajleyda gaar ahaan dhanka leysinka.

Advertisement

No description available.

Wasiir Gaadiidka Fardowsa Cismaan oo hadalo kooban jeedisay ayaa sheegtay gabi ahaan-ba soo koobeen qarashka uu leysinka ku qaadan karo darawalka mooto Bajaajta.

Sidoo kale Gudoomiye Madaale ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameeyeen leysinka Bajaajta wax badana ay fududeeyeen.

Af-hayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa saxaafada u aqriyay wax ka badal ay masuuliyiintu ku sameeyeen hab-raacyada qaadashada leysinka  Mooto Bajaaj-ta ka howlgasha Muqdisho.

Af-hayeenka ayaa shaaciyay in lacagta lagu qaadanayo leysinka in hada laga dhigay 106.5 Doolar halka Bajaajleydu sheegeen in la gaarsiiyay 300 dolar taasoo ahayd wixii keenay inay ka banan baxaan madaama aysan awoodin.

Sidoo kale waxaa bajaajleyda farxad u ah in Dowladu wax ka badashay waqtiga dhisista leysinka oo markii hore ahaa 3 sano balse hada Dowladu u badashay 5 sano.

Talaabadaan ay Dowladu qaaday ayaa ahayd balan qaadkii Madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay shalay taasoo ahayd in bajaajleyda iyo ganacsatada laga qancin doono waxay tabanayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here