MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur,Taliyaha  Booliiska Somalia Sulub Axmed Firin,Gudoomiye xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiinka kala ah Sheekh Basiir Axmed Salaad iyo Sh.Cali Wajiis ayaa maanta shir jaraa’id ku qabteen qubuuraha iskuul Booliisiya.

Wasiirka Difaaca C/qaadir Maxamed Nuur ayaa saxaafada u sheegay inay Dowlada Soomaaliya ay u baahan tahay dhulka xeebta ku teedsan gaar ahaan nawaaxiga iskuul Booliisiya ilaa isbitaalka Yardimeeli islamarkaana la dejin doono ciidamada ilaalada xeebaha Dowlada Somalia.

Advertisement

Wasiirka wuxuu sheegay in Dowladu ka codsaneyso cid kasta oo eheladoodu meyd uga jiro qabuuraha inay la baxaan mudo 10 maalmood ah .

Sidoo kale wuxuu wasiirku intaasi ku daray in maamulka Gobolka Banaadir uu diyaariyay dhul meydadka halkaani laga saaro lagu aaso sidaas daraadeed ay la xiriiraan shacabka ehalada la ah meydadka.

Gudoomiye ku xigeenka wuxuu isna goobta ka sheegay inay ka maamul ahaan ka caawinayaan shacabka sidii ay meydadka ugala bixi lahaayeen.

Sh.Cali Wajiis iyo Sh.Bashiir Maxamed Salaad waxay iyaguna goobta  ka sheegeen in diiniyan la ogolyahay in meydadka laga saaro qabuuraha hadii Dowladu dhulka uga baahan tahay dan guud.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here