QAHIRA (DAYNIILE.COM)-Sida uu TV-ga Qaranka Soomaaliyeed u sheegay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen waxaa Qaahira ka socda baaritaan ay bilowday Dowlada Masar kaasoo la xiriira dhacdadii ay shalay ku geeriyoodeen qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa 7 ruux.

Qunsulka wuxuu tilmaamay in laamaha amaanka Masar ay baarayaan sida wax u dheceen iyo xaqiiqada waxa sababay geerida qoyskaasi Soomaaliyeed oo uu cadeeyay inay howla caafimaad u tageen masar.

Advertisement

“qoyska Soomaaliyeed hada unbey tageen Qahira waxayba joogaan kaliya 5 maalmood kadibna hada dhimashadooda ayaa ku soo xigtay”ayuu yiri qunsulka

Ismaaciil Cabdi Xuseen wuxuu intaasi ku daray in meydadka lagu baarayo Isbitaalka islamarkaana Dowlada masar ay kala cadeyn doonto in sida hore loo sheegay ay Gaas dartiis u dhinteen ama inay yihiin dil si ula kac ah looga danbeeyo.

Qunsulka mar uu ka hadlayay qoyska masiibadaani ku dhacday oo la hadal hayo inay yihin dad meelo kala duwan ka yimid ayaa xusay in 2 ka mida ay wataan pasport Mareykan ah,mid wata UK , 2 wadata Itoobiyaan iyo mid wata pasport Somali.

“meydadka waan aasi doonaa marka baaritaanka uu soo baxo hadii ay run noqoto inay gaas furmay ku neef qabatimoobeen”ayuu yiri Qunsul Ismaaciil Cabdi Xuseen

XAFIISKAWARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here