Dowlada Mareykanka ayaa ku canaanatay Dowlada Kenya inaan la caburin shacabka islamarkaama la ixtiraamo dimuquraadiyada iyo xaqa shacabku u leeyihiin inay isu soo bax ku muujiyaan wixii ay rabaan.

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa xiriri dhanka teelka ah la sameeyay Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto isagoo usoo jeediyay in Dowladisu xushmeyso shacabka, islamarkaana laguna qadariyo dimuquraadiyada oo ah inay waxay rabaan ku muujiyaan isu soo bax.

Advertisement

“Si ay u jirto Dowladnimada wanaagsan waa in shacabka aad qadirisaan oo la dhowro dimuquraadiyada”ayuu yiri Antony Blinken

Sarkaal Ameerikaanka wuxuu intaasi ku daray inay lagama maarmaan tahay in aan marnaba la caburin shacabka, xisaabtana lagu daro xuquuqda ay  u leeyihiin in ay muujiyaan tabashooyinka ay ka qabaan dowladda.

Wasiirka arimaha dibada Mareykanka wuxuu dhanka kale aad ugu amaanay Madaxaweynaha Kenya William Ruto amarkii uu ciidamada ku siiyay ineysan si xun ula dhaqmin shacabka,waow booliiska qaar ay awood saa’id ah shacabka u adeegsanayeen mararka qaar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here