WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Mareykanka gaar ahaan wasaarada arimaha dibada ayaa looga hadlay 1-da Luulyo oo ah maalintii ay xoroobeen gobolada Koonfureed ee Somalia iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony J Blinken ayaa Umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintooda xornimada ee 1-da Luulyo oo sanad kasta la xuso.

Advertisement

“waxaan bogaadinaynaa naf-hurnimada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan la dagaalankooda argagixisada iyo dhismaha nabadda”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Antony J Blinken

Shalay ayay ahayd markii Dalkeena iyo dibadaba aad looga xusay sanad guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii Soomaalidu ka xoreebeen gumeysitihii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here