War ka soo baxay Dowladda Liibiya ayaa lagu shaaciyay inay Sabtidii shalay  burburisay kooxihii magafayaasha loo bixiyay ee dadka tahriibin jirey kuwaasoo ku xooganaa dhinaca Koonfur-galbeed ee dalkaas.

iyada oo la xiray xubno ka tirsan kooxdaas sida uu bayaan uu soo dhigay bogga Facebook ku sheegay,

Advertisement

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Liibiya ayaa baraha bulshada ku soo qorey in xabsiga la dhigay qaar ka mida hogaamiyayaashii kooxda tahriibka ka shaqeyn jirtay.

Shabakada magafayaasha loo yaqaan ee Ciidamadu soo xireen waxaa lagu sheegay inay tira ahaan gaarayaan 11 ruux oo uu ku jiro hogaamiyahooda.

Kooxdaan oo Soomaalidu u taqaan magafayaasha waxay Dowlada Liibiya ku soo eedeysay dil, xarig sharci darro ah, jirdil, iyo kufsi loo geystay muhaajiriin.

Bayaan-ka Dowlada Liibiya ka soo saartay kooxahaani ayay sidoo kale ku sheegtay in ugu yaraan 1300 oo tahriibayaal ah ay xirteen kooxdaani si ay baad lacag ah uga qaataan taasoo ay ku badalanayaan in la sii daayo.

Kooxdaani maba ah kuwa gabood faladooda qarsan jirey muuqaalada jir dilka ah waxayba u diri jireen waalidiinta dadka ay qabsadaan oo Soomaalidu ay ku jirto si lacag degdeg ah loogu diro.

Xaalada Dalka Liibiya ee fowdada ,colaada,dagalada iyo burcada ka bilaabatay ayaa timid kadib markii reer Galbeedku ku duulen xukunkana ka tuureen islamarkaana dileen Hogaamiyihii dalkaasi mudada soo xukumayay Mucamar Alqadaafi madaama dalkaani lahaa wax soo saar dhanka saliida ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

How Did Libya Become A Failed State?

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here