NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay wax ka badaleen qorshihii canshuur kordhinta ahaa kaddib marki ay shacabka Kenya ay sameeyeen banaanbacyo rabshado watay dhowrkii maalin ee u danbeysay gudaha Magaalada Nairoobi.

Canshuur-kordhin ayay Dowladu saartay adeegyadda dadweynaha ee kala duwan gaar ahaan ganacsiyada iyo kala badalka lacagaha.

Advertisement

Madaxweynaha Kenya Wilam Ruto ayaa sheegay inay wax ka badaleen nidaamkii canshuur kordhinta ahaa , waxaana ka mida talaabada Dowladu qaaday in meesha laga saaray %16 canshuuraadka ,sokorta rootiga,gaadiidka,adeegyada maaliyada.

Sidoo kale waxaa la dhimay 2.5 cabshuurta laga qaado baaburta,sidoo kale ma jiri doonto kororka qidmadaha xawilaada moobilada,canshurta saliida iyo khudaarta ayaa iyagana wax laga dhimay.

Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka kenya ugu qaabilsan dhanka maaliyada ayaa soo dhaweeyay in dadka kenyaanku soo gudbiyeen cabashooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

William Ruto - Ocean Panel

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here