HomeWarkiiDowlada ka hadashay degmooyinka maata ku soo biiray qaadashada kaararka doorashooyinka+SAWIRRO

Dowlada ka hadashay degmooyinka maata ku soo biiray qaadashada kaararka doorashooyinka+SAWIRRO

Muqdisho, April 26, 2025: Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan qof iyo cod.
Degmooyinka cusub ee maanta ay guddiga ka hawlgaleen ayaa waxaa ka mid ah Kaaraan, Hodan, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, kuwaas oo si weyn loogu soo baxay goobaha diiwaangelinta dadweynaha si ay muwaadiniintu u helaan shahaaddada codbixinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaysa.
Horay waxaa diiwaangelinta dadweynaha ee gobolka Banaadir looga bilaabay toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.
Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helayaan in ay soo doortaan madaxdooda.
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waayeellada iyo dadka xiisaha badan u haya in ay gutaan xuquuqdooda muwaadinnimo, kuna ciil baxaan codkooda ayaa si weyn uga soo muuqday goobaha ay ka socoto shaqada diiwaangelinta dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.May be an image of 6 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 8 people and textMay be an image of 3 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 3 people, people studying and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -