HomeWarkiiDowlada iyo Safaarada Shiinaha maxay ka wada hadleen

Dowlada iyo Safaarada Shiinaha maxay ka wada hadleen

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay maalgelinta mashaariicda adkaysiga iyo horumarinta bulshada, u diyaar-garowga ka hortagga fatahaadaha, hirgelinta waro iyo biyo-qabadyo waaweyn, dhisidda biyo-xireenno adag, qodista ceelal-biyood iyo adeegyo kale oo muhiim u ah nolosha.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii Dowladda Shiinaha ay u xoojin lahayd gargaarka bani’aadamnimo iyo sidii Hay’adda SoDMA looga gacan siin lahaa dhisidda keydadka deeqaha, sare u qaadista karaanka iyo aqoonta shaqaalaha, iyo bixinta agabyo kale oo lagama maarmaan u ah howlaha gurmadka.May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and newsroom
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -