KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo gaaray sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan kaasoo ka safray Muqdisho islamarkaanma lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo.
Masuulkaan Qaramada Midoobe uga wakiilka ah Soomaaliya ayaa warar aan helnay waxay sheegayaan inuu u aaday Kismaayo si uu u dhex dhexaadiyo Dowlada Somalia iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kaasoo dhawaan ka carooday shirkii Golaha wada tashiga Qaran ee xamar ka socday.
James Swan wuxuu kulan markiiba madaxtooyada Kismaayo kula yeeshay Madaxweynaha Jubaland  Axmed Maxamed Islaam oo ay isla soo qaadeen waxa uu tabanayo iyo xaalada guud ee dalka gaar ahaan dagaalada Alshabaab lagula jiro.
Shirkaan qeybta  Axmed Madoobe lagala hadlayo sababta uu uga soo baxay shirkii Golaha wada-tashiga qaran iyo sida loo xalin karo ayaa laga dhigay mid qarsoodi ah ilaa iyo inta dhinac ay uga dhaceyso.
James Swan waxaa lagu wadaa inuu Axmed Madoobe ku qanciyo xalinta khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay isaga iyo Dowlada Somalia si wada-shaqeyntu u sii socoto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 5 people and newsroomMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here