Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo kulan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Catherine Molly Phee ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.

Taye Atske-Selassie wuxuu Mareykanka u muujiyay inay jeclaan lahaayeen inay sii joogaan Soomaaliya xili Dowlada Somalia marar badan ku celisay in Itoobiya ay ka saarayaan Soomaaliya marka uu dhamado madhaytka ay hada ku joogaan kaasoo ku eg sanadkaan dhamaadkiisa oo sadex bil kaliya ka harsan.

Advertisement

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya wuxuu ku calaacalay in Ciidamadoodu Soomaaliya ka hayaan shaqo adag taasoo ah la dagaalanka Dagaalamayaasha Alshabaab.

“waqtgaan waxaa loo baahan yahay in si taxaddar leh looga fiirsado ka hor inta aan la go’aamin dhamaadka howlgalka ATMIS”ayuu yiri Wasiir Taye Atske-Selassie

.Wuxuu sidoo kale xusay in loo baahan yahay in Itoobiya loo tixgeliyo dagaalka sida uu sheegtay inay kula jiraan Alshabaab.

“mar kasta waxaa naga go’an in nabad lagu soo dabaalo gobolka Geeska Afrika”ayuu mar kale yiri wasiirka arimaha dibada Itoobiya

Warka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili khilaaf xun uu soo kala dhexgalay Somalia iyo Itoobiya kadib markii bishii Janaayo ee sanadkaan bilowgiisa uu Abiy Axmed heshiis is afgarad ah kula galay Muuse Biixi in la siiyo marin biyood Badda ah taasoo aad uga careysiisay Dowlada Faderaalka Soomaaliya madaama Itoobiya ku soo xad-gudubtay madax bananida dhuleed ee Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here