MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowlada Itoobiya ay ku adeegtaan Alshabaab-ka islamarkaana asal ahaana markoodii horaba ay isla iyagu soo dhiseen.

Masuulkaan oo ah Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa saxaafada u sheegay in Dowlada Itoobya hada ka xumaatay una akeysasn weysay sida uu sheegay dagaalka lagu sii dabar-goynayo alshabaab.

Advertisement

“awal Alshabaab ayaa uga wakiilka ahaa Soomaaliya balse hada markey ogaatay in Alshabaab gabalkooda uu sii dhacayo ayay Itoobiya bilowday inay qeyliso”ayuu yiri Gudoomiyaha Kaxda.

“waxay bilaabeen inay dhahaan baddaan rabnaa iyo inay xuduudaha ka soo talaabaan” ayuu mar kale yiri gudoomiyaha Degmada Kaxda

Gudoomiyaha wuxuu intaasi ku daray inay Itoobiya sideedaba ka xun tahay dib u dhiska Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalka lagu wiiqay Alshabaab.

”Itoobiya iyo khawaarijta waa labo cadow oo Soomaaliya ay leedahay.”ayuu yiri Guddomiyaha Degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan

“Itoobiya markii ay aragtay dadkii shaqada u hayay oo la baabi’yay ayay soo doonteen doonis baadil ah”ayuu yiri

wuxuu mar kale ka dhawaajiyay Gudoomiyaha in Alshabaab  awalba adis ababa laga keenay.

“alshabaabku waligood ma qarxin mana taab-taanan itoobiya ,kaliya Soomaalida ayay laayaan”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No photo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here