Sida ku cadayd Warqad ka soo baxday Wasaarada arimaha Dibada Itoobiya Dowlada Somalia ayay ka dalbadeen inay ciidamo u soo diraan gudaha Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Maxaas si halkaasi ay kaga galbiyaan 500 askari oo dib ugu laabanaya dalkooda.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Dowlada Somalia aqabashay sidaasna ay hada ku soo gaareen Maxaas waxaana lagu wadaa inay galbiyaan ciidamo halkaasi ka jooga kuwaasoo qeyb ka ahaa howlgalka ATMIS.
Bixitaanka Boqolalkaani askari ayaa qeyb ka ah heshiiskii Dowlada Somalia iyo midowga Afrika ee dhimista ciidamada ATMIS si 2025 ay ciidamada Xoogga Dalka Somalia ula wareegaan amniga dalkooda.
Inkastoo labada dal khilaaf weyn soo kala dhex galay sanadkaan markuu shashay kadib markii Itoobiya ku soo xad-gudubtay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya ayaa hada waxaa muuqata in Itoobiya ka soo laabaneyso qaladaadkeeda si xiriirka labada dal u soo hagaago.
Ciidamadaan hada la sheegay inay soo galeen Gobolka Hiiraan ayaa maray wadadii saxda ahayd ee sharciga ahayd taasoo ahayd inay fasax kaga qaataan Dowlada Somalia oo masuul ka ah dalka guud ahaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here