ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida warbaahinta madaxa bannaan ee Itoobiya ayaa shaaciyay in masuuliyiinta dalkaasi Itoobiya ay ka fiirsanayaan inay isticmaalaan oo shidaal kala soo degaan Dekada Ber-bera ee dhulka Soomaalida Waqooyi ee Somaliland.

Masuul u hadlay  Hay’adda Maamulka Saliida iyo Tamarta Itoobiya Ato Lemesa Tulu ayaa jabuuti ku eedeeyay inay 18 sano la hagaajin nidaamka kaydka dekeda taasoo dib u dhac ku keentay wooda adeeg bixinta ee dekeda Jabuuti.

Advertisement

Dekada Ber-bera ee Maamulka Somaliand ayaa lagu amaanay inay ka wanaagsan tahay dekada Jabuuti islamarkaana ay hormuud u tahay dekadaha ugu adeeg bixinta wanaagsan Waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Masuulka Itoobiya u hadlay ayaa tilmaamay inay Dekada Jabuuti ka soo degsadaan Saliida sidaas daraadeed ay hada yihiin Gaas la’aan adeeg xumida ka jirta dekada Jabuuti darteed.

“gaas la’aani ayaa ka jirta Caasimada Addis Ababa iyo magaalooyin kale, xili gaadiidka gaaska la arkayo iyagoo safaf dheer dheer ugu jira  120 kaalmood oo ku yaala magaalada Addis Ababa”ayuu yiri Ato Lemesa Tulu oo ah Agaasimaha Guud ee Suuqgaynta iyo Cilmi-baadhista Saliida ee Hay’adda Maamulka Saliida iyo Tamarta Itoobiya.

Lama yaqaan sida ay Jabuuti uga jawaabi doonto eedaan culus ee ka imaaneysa Dowlada Itoobiya xili Jabuuti dhaqaale fiican ka hesho Dowlada Itoobiya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here