LONDON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Ingiriiska ayaa war ka soo saartay qulqulka tahriibayaasha soo galaya dalkeeda kuwasoo aad u soo badanaya.
Dowlada Uk waxay muujisay inay dhibaato ku qabto tahriibayaasha ka imaanaya dhanka dhanka biyo mareenka u dhaxeeya Faransiiska iyo Britain islamarkaana dalkeeda ku qulqulaya.
Mar ay Dowlada Britain ka hadleysay talaabada ay qaadi doonto nayay ugu horeyn xustay inay bartilmaameedsan doonaan kuwa muqalasiinta ah ee tahriibayaasha soo galiya dalkeeda.
Dalka Britain oo ay aad u jecel yihiin dadka soo galootiga ah ayaa la soo sheegayaa in Afar maalmood oo kaliya ay dalkaasi galeen Tahriibayaal ka badan 1,500 ruux taasoo keentay inay Dowladu aad uga cabato ayna raadiso sidii ay uga hortagi lahayd.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement