Dowlada Dalka Bolivia ayaa arbacadii shalay ka bad-baaday isku day afganbi oo uu hogaaminayay Taliyihii hore ee Ciidamada Milatariga dalkaasi kaasoo dhawan xilka laga qaaday.

Ciidamo uu hogaaminayo Taliyiihii Ciidamada Bolivia  Juan Jose Zuniga ayaa xoog ku galay Madaxtooyada iyo aqalka Baarlamaanka xili taangiyo iyo ciidamo uu watay balse shacabka ayaa ku banaan baxay kuwaasoo taageersan Madaxweynaha la doonayay in la af-ganbiyo.

Advertisement

Madaxweynaha Bolivia ayaa u mahadceliyey shacabka dalkiisa ee taageerada u muujiyay xili ay jirto qaylo dhaan caalami ah.

Ururada gobolka ayaa isu soo bax balaaran ku taageeray dowladda Bolivia iyadoo ciidamada iyo gaadiidka gaashaaman ay isugu soo baxeen caasimadda.

Isku daygii afgambi ee ka dhacay Bolivia ayaa hoos u dhacay, iyadoo madaxweyne Luis Arce uu sheegay inuu awood u leeyahay inuu ku wareejiyo ciidamada dalka.

Madaxweyne Arce ayaa ku tilmaamay ka bixitaankan madaxtooyada kooxdii afganbiga isku dayday guul u soo hoyatay Dimuquraadiyadda Bolivia, waxaana uu khudbad u jeediyay muwaadiniinta dalkaas, kuwaas oo qaarkood isugu soo baxay waddooyinka iyagoo ka cabanaya isku daygii afgambi.

“Waad u mahadsan-tihiin dadkayga Bolivia, Dimuqraadiyad ha noolaato” ayuu yiri Madaxweyne Arce

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Taliyihii afganbiga isku dayay ay Booliisku xireen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Armoured vehicle and army troops outside the presidential palace

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here