Safiirka JFS ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, Danjire Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka qayb galay saxiixa Hotelkii u horreyay oo Five Star ah oo ay Shirkadda Rotana ka dhisayso caasimadda Muqdisho, kaddib heshiis ay kala saxiixdeen maamulaha Bangiga Premier Bank Jabriil Hassan Mohamed iyo mas’uuliyiinta sare ee Shirkadda Rotana.

Mashruuc lagu dhisayo Hotelka Rotana iyo adeegyada kale ee casriga uu yeelanayo Mashruuca Gateway Complex oo uu dhowaan dhagax-dhigay Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqon doona mid taariikhi ah oo daabooli doona baahiyo kala duwan sida Hotel, Deegaan dhammeystiran(Apartment, Madal lagu qabto shirarka caalamiga ah (Convention center) Suuq weyn (Mall), Isbitaal iyo dugsi waxbarasho.May be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people, people studying, suit and textMay be an image of 6 people, dais, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here