HomeWarkiiDoonidii dhawaan burcad badeedu af-duubteen oo la sii daayay

Doonidii dhawaan burcad badeedu af-duubteen oo la sii daayay

QANDALA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo xeebaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya burcad badeeda ay sii daayeen dooni ay dhawaan ka afduubteen xeebaha Maamulkaasi.

Doonidaaniaan kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen balse ay saarnaayeen shaqaale soomaali ah ayay burcadu uga tageen si nabad ah 20-kii bishii Maarso meel u dhow deegaan xeebeedka Dhinowda.

Ciidamada Midowga Yurub ee Baddaheena ka howlgala ayaa maalin kadib gaaray halkii doonta ay uga tageen burcada iyagoona xaqiijiyay in dhamaan shaqaalihii doonta oo Soomaali ah inay nabad qabaan.

Doon oo magaceeda lagu sheegay Al-Hidaaya, ayaa la qafaashay 16-kii bishaan Maarso waxayna sii daayeen oo isaga tageen 20-kii Bishaan iyadoona la soo sheegin wax madax furasho ah oo la siiyay ,sidoo kale ma jirto wax howgal dagaal ah oo lagu soo daayay,waxaana muuqata inay iskood uga tageen inastoo ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka EUNAVFOR) ATALANTA ay ku daba jireen kooxda burcad badeeda.

Dhanka kale tan iyo markii uu dhashay sanadkaan cusub ee 2025-ka waxaa la diiwaan geliyay ilaa afar howlgal bucad badeednimo ah kuwaasoo gabi ahaantood ka dhacay xeebaha Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -