EYL (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeysani dooni Kaluumeysi ku af-duubteen Xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Doonida kaluumeysi ee la af-duubtay waxaa la soo sheegayaa in laga lee yahay dalka Yemen, doonidaan ayaa maamulka Puntland waxay ka heysata sharci ay ku kaluumeysato.

Advertisement

Lama yaqaan kooxaha burcada ah ee u dhashay deegaanada Puntland gaar ahaan Degmo xeebeedka Eyl sababta ay u qaaasheen dooni maamulku sharci siiyay.

Hay’adasha amaanka Puntland,Ganacsatada  iyo madaxda wali kama aysan hadlin dhacadaani lagu qafaashay doonida kaluumeysi oo ay wakiilo ka yihiin ganacsayo ka soo jeeda Maamul Goboleedka Puntland.

Sanadkii hore bishii November 2024-kii ayay ahayd markii isla degmada Eyl ee Puntland kooxo hubeysani af-duubteen markab kalluumeysi oo laga lee yahay dalka Shiinaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here