WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Tonald Trump ayaa la soo sheegayaa inuu xasaanad ka helay Maxkamada sare ee dalkiisa Mareykanka maalinimadii shalay ahayd.

Maxkamada ayaa xukun ay soo saaraty ku cadeysay inay xasaanad balaaran siisay Donald Trump oo ah musharax u taagan xilka uu hore u soo qabtay ee  Madaxweynaha Mareykanka.

Advertisement

Marka la eego xasaanada uu ka helay Maxkamada sare ayaa ka dhigan inuu helay fursad dib loogu dhigayo dacwadii kaga socotay Maxkamada taasoo salka ku heysay kiiska rabshadihii dhacay sannadki 2021-kii markaasoo qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska.

Xukunka Maxkamada sare ee Xasaanad siinta Trump ayaa waxaa taageeray oo aqbalay  6 garsoore, halka ay saddex kalana diideen.

Dhanka kale garsoorayaasha awooda leh ee Maxkamada sare waxaa lagu sheegay inay  9 yihiin kuwaasoo 6 ka mid ah yihiin Jamhuuri, halka saddex-da kale ay dimoqraaddi yihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here