HomeWarkiiDonald Trump oo sheegay in uu aad ugu carooday Vladimir Putin, hanjabaadna...

Donald Trump oo sheegay in uu aad ugu carooday Vladimir Putin, hanjabaadna u diray

XIGASHO BBC SOMALIDonald Trump ayaa sheegay in uu aad ugu carooday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib toddobaadyo uu isku dayay in uu ka xaajoodo xabbad joojinta Ukraine.

Donald Trump ayaa sheegay in uu aad ugu carooday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib toddobaadyo uu isku dayay in uu ka xaajoodo xabbad joojinta Ukraine.

Wareysi uu siiyay NBC News, ayuu madaxweynaha Mareykanka ku sheegay in uu Putin ugu carooday in uu weeraray kalsoonida madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, wuxuuna ku hanjabay in uu canshuur 50% ah ku soo rogi doono waddamada iibsada saliidda Ruushka haddii uusan aqbalin xabbad joojin.

“Haddii aniga iyo Ruushka aan awoodin inaan heshiis ka gaarno joojinta dhiigga daadanaya ee Ukraine, iyo haddii aan u maleynayo inay tahay qaladka Ruushka – taas oo laga yaabo inaysan ahayn… Waxaan ku soo rogi doonaa canshuur labaad … dhammaan saliidda ka soo baxda Ruushka,” ayuu yiri.

Faallooyinkaas waxay muujinayaan isbeddel ku yimi hadalkii Trump ee ku aaddanaa Putin iyo Ruushka.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ka walwalsanaa in Trump uu ku qanacsan yahay Putin iyadoo wada xaajoodyada xabbad joojinta ee Ukraine ay sii socdaan.

Lixdii toddobaad ee la soo dhaafay, Trump waxa uu Zelensky ku aflagaadeeyay Xafiiska Oval-ka wuxuuna ka dalbaday madaxweynaha Ukraine inuu wax badan ka tanaasulo. Dhanka kale, waxa uu u hanqal taagayay Putin oo uu intiisa badan u hogaansamay dalabaadkiisa.

Tani waxay u muuqataa inay tahay mid meesha ka saareysaa firfircoonaantii hore ee Trump iyo Putin. Waa markii ugu horeysay ee Mareykanku uu si adag ugu hanjabo Ruushka cawaaqib xumada uu cagihiisa ku jiiday wada xaajoodka xabad joojinta, taasoo u muuqata mid dib u dhigi karta kubada diblumaasiyadeed ee Moscow.

Telefishinka NBC News ayaa sheegay in wareysi 10-daqiiqo qaatay oo dhanka taleefoonka ah, Trump uu ku sheegay inuu aad uga carooday oo “uu ka xanaaqay” markii Putin uu dhaleeceeyay kalsoonida lagu qabo hoggaanka Zelensky, inkastoo madaxweynaha laftiisa uu ku tilmaamay hogaamiyaha Ukraine inuu yahay kaligii taliye oo uu ka dalbaday inuu qabto doorasho.

“Waxaad dhihi kartaa inaan aad u xanaaqay, markii … Putin uu bilaabay inuu su’aal geliyo kalsoonida Zelensky, sababtoo ah taasi maaha mid sax ah,” ayuu yiri Trump.

“In Hoggaan cusub la doorto waxay la macno tahay inaadan heshiis muddo dheer la geli doonin Ukraine,” ayuu raaciyay.

Mar uu ka hadlayay Putin, Trump waxa uu sheegay in Kremlin-ka ay ogaayeen caradiisa, balse waxa uu xusay in uu “xiriier aad u wanaagsan” la leeyahay hoggaamiyaha Ruushka.”

Haddii Ruushku qaadan waayo xabbad-joojin, Trump wuxuu ku hanjabay inuu si adag u beegsan doono dhaqaalihiisa.

“Waxaa jiri doonta 25% canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogi doono saliidda iyo badeecadaha kale ee lagu iibiyo Mareykanka,” ayuu yiri Trump, isagoo xusay in canshuurta Ruushka ay imaan doonto bil gudaheed haddii aan la helin heshiis xabbad-joojin ah.

Canshuurta dheeraadka ah waa cunaqabatayn la saaro wadamada ganacsiga la leh wadan kale. Waxay ka koobnaan karaan ilaa 50% badeecooyinka Maraykanka ka soo gala wadamada wali saliida ka iibsanaya Ruushka. Iibsadayaasha ugu badan waxaa sameeya Shiinaha iyo Hindiya.

Zelensky ayaa wareysiga ka dib ku qoray baraha bulshada in “Ruushka uu sii wado raadinta marmarsiiyo uu dagaalkan u sii jiido”.

Waxa uu sheegay in “Putin uu ciyaarayo isla ciyaartii uu ciyaaray tan iyo 2014”, markaasoo Ruushku si keligiis ah u qabsaday jasiiradda Crimean.

“Tani waxay khatar ku tahay qof walba – waana in jawaab ku habboon laga helo Maraykanka, Yurub, iyo dhammaan saaxiibadayada caalamiga ah ee nabadda doonaya.”

Trump ayaa sheegay in uu Putin la hadli doono dabayaaqada usbuuca.Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine bishii February 2022.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine bishii February 2022. Waxa uu hadda gacanta ku hayaa ilaa 20% dhulka Ukraine.

In ka badan 100,000 oo qof oo u dagaallamaya militariga Ruushka ayaa hadda dhintay iyadoo dagaalka Ukraine uu galay sannadkii afraad, sida lagu sheegay xogta ay falanqeeyeen BBC Ruush, kooxda warbaahinta madaxa bannaan ee Mediazona iyo mutadawiciin kuwaas oo tirinayey dhimashada tan iyo bishii Febraayo 2022.

Ukraine waxay cusbooneysiisay tiradii ugu dambeysay ee khasaaraha Diseembar 2024, markii madaxweynaha Volodymyr Zelensky uu qiray 43,000 oo Yukreeniyaan ah dhimashada askarta iyo saraakiisha. Falanqeeyayaasha reer galbeedka ayaa aaminsan in tiradan ay tahay mid aan la qiyaasi karin.

Sidoo kale wareysiga NBC ee Axadii, Trump wuxuu ku sheegay “in uusan kaftameynin” markii uu sheegay inuusan meesha ka saarayn inuu mar saddexaad u sharaxo Aqalka Cad, inkastoo uu mamnuucayo dastuurka Mareykanka.

“Dad badan ayaa doonaya inaan sameeyo,” ayuu yiri Trump. “Laakiin, waxaan ula jeedaa, waxaan asal ahaan u sheegaa inaan heysano waddo dheer oo aan ku socono.”

Intii lagu guda jiray wicitaanka NBC, wuxuu sidoo kale ku hanjabay inuu duqeyn doono Iran haddii aysan aqbalin heshiis nukliyeer ah. Trump ayaa horaantii bishan warqad u diray taliska oo uu ku dalbanayo wada xaajood.

“Waxay noqon doontaa duqeyn wax aan horay loo arag,” ayuu yiri, isagoo xusay inuu sidoo kale ku soo rogi doono canshuuraha labaad.

Axadii, madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in wadanku uusan wax wada xaajood ah la geli doonin Washington oo ku saabsan barnaamijkooda Nukliyeerka, laakiin wadahadalo aan toos ahayn ayaa suurtagal ah.

“Kama fogaanno wadahadal; waa jabinta balamaha tan ilaa hadda noo keentay arrimo,” ayuu yiri. “Waa inay caddeeyaan inay dhisi karaan kalsoonida.”

XIGASHO BBC SOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -