WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu ka guuleystay Kamala Harris oo ah musharaxa xisbiga Dimuqraadiga, ka dib markii la saadaaliyay inuu ku guuleysan doono gobolada muhiimka ah ee lagu dagaalamayo ee Pennsylvania, North Carolina iyo Georgia.
Xisbiga Jamhuuriga waxa kale oo ay wakaalada wararka AP saadaalisay in uu ku guulaysan doono xakamaynta golaha guurtida.
Goobaha cod bixinta ee doorashada 5-ta November ayaa la soo xiray guud ahaan dalka, iyadoo codbixintu ay si habsami leh u dhacday.
Si uu ugu guulaysto madaxtinimada, musharraxa waxa uu u baahan yahay ugu yaraan 270 cod oo doorasho ah.
Taageerayaasha Donald Trump ayaa bilaabay dabaal deg ay ku muujinayaan guusha ay ka gaareen doorashadii shalay ka dhacday dalka Mareykanka.
HARRIS
224
66,280,015 | 47.44%
VOTES
inkastoo si kama dambeys ah aan loogu dhawaaqin natiijada hadana waxay u badan tahay Trump inuu ku soo bixi doono , balse wixii soo kordha wararkeena xiga ayaad kala socon doontaan insha Allah.
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM