MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay amar cusub oo diidaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay adeegsadaan nawaaxiga garoonka Aadan Abdulle international Airport ee Magaalada Muqdisho.

Warka Hay’ada ayaa lagu cadeeyay inaanay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka howlgeli karin ilaa masaafo dhan 5-mayl dhanka bada ee garoonka adan Cadde.

Advertisement
Go’aankaan ka soo baxay ayaa Hay’ada ayaa dhanka kale lagu faray dadka adeegsada diyaaradahaasi inay aaga garoonka adeegsan karaan marka ay fasax ka helaan Hay’ada duulista Hawada Somalia.

“lama ogala hawlgallada Nidaamyada Hawada ee aan duuliyaha lahayn gaar ahaan aagga xaddidan ee garoonka diyaaradaha Muqdisho marka laga reebo inay fasaxdo hay’adda Duulista Hawada Somalia”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’ada

Ujeedka awaamiirtaan loo soo saaray ayay Hay’adda Duuliistu ku sheegtay si loo sugo badqabka duulimaadyada imaanaya iyo kuwa ka baxa garoonka caalamiga ah ee Aden Abdulle international Airport,waxay Hay’adu xustay inay muhiim tahay in loo hoggaansamo shuruucdan.

Hay’addu mar ay soo hadal qaaday hadii la jabiyo awaamiirteeda ayay sheegtay in laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here