AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Diyaarad Milatari oo ah nuuca qumaatiga u kacda ayaa ku dhacday inta u dhexeysa Afgooye iyo Carbiska ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Diyaaradaan waxaa leh Ciidamada Midowga Afrika sida wararka horu dhaca ah ay sheegayaan, waxaana la sheegay in diyaaradaani cilad soo wajahday darteed u dhacday.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaaradaani ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo ajaanib ah oo ay ku jiraan labadii duuliye ee waday diyaarada.

Diyaradaan waxaa la sheegay inay u socotay xerada ciidamada Bali-doogle oo saldhig u ah ciidamo Mareykan ah iyo kuwo Soomaali ah oo ay tababareen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya halka diyaarada ay ku dhacday in laga qaaday dhaawacyada markii ciidamada ATMIS ay u gurmadeen xili qaarkood dhaawacyadooda aad u culus yihiin.

Dhanka kale Dowlada Somalia iyo Taliska Atmis midkoodna faahfaahin buuxda kama bixin sida wax u dhaceen marka la eego diyaarada dhacday iyo ujeedka safarkeeda iyo sababta keentay shilka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here