Diyaarad Ciidan oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa goordhow Garoonka Kismaayo ka qaaday mas’uuliyiin katirsan Jubbaland waxayna ka dejisay degmada Doolow ee gobalka Gedo.
Kenya, ayaa maalintii shalay aheyd Kismaayo diyaarad gaar ah uga qaaday Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadda ku sugan Nairobi, waxayna halkaas isku arki doonaan madaxda Kenya iyo Sirdoonka Itoobiya.
Advertisement
DF ayaa shalay warqad cabasho ah u dirtay Kenya waxayna u yeertay su’aalana weydiisay Safiirka Kenya ee Muqdisho. Dowladda ayaa u muuqato in dhan kasta uga fashilantay dagaalkii Jubbaland ee soo bilaawday dhamaadka sanadkii hore.
Advertisement