HomeWarkiiDiyaarad kale oo nuuca dagaalka ah oo Turkey siineyso Dowlada Somalia

Diyaarad kale oo nuuca dagaalka ah oo Turkey siineyso Dowlada Somalia

No description available.Dowlada Turkey ayaa la sheegay inay mar kale Dowlada Somalia siineyso Diyaaradda T129 ATAK oo ah mid casri ah islamarkaana sida tiknikada u dagaalami karta iyadoo markii firdhin karta boqolaal baalooto oo rasaas ah.

Diyaaradaan oo la sheegay in maalmaha soo socda la soo gaarsiin doono Muqdisho ayaa dagaalka Alshabaab macquul ay tahay inay soo afjarto marka la eego awoodeeda dagaal.

T129 ATAK, waa mid ka mid ah Diyaaradaha qummaatiga u kaca (Helicopters) ee loogu talagalay dagaallada iyo howl-gallada toos-ka ah, gaar ahaan taageerada ciidamada dhulka,sidoo kale waxay awood u leedahay inay taangiyada gubto iyadoo gantaaladeedu ka mid yihiin kuwa anti taangiga.

Helicopter-kaan asalkeeda waxa hore u farsameeyay Talyaaniga,hadana waxaa dib u soo saaray dalka Turkiga, iyadoo dhanka kale kaashaneysa Leonardo S.p.A-ga Talyaaniga.

Mar sharaxaad laga bixinaayay waxtarka Helicopter-kaan  T129 ATAK waxaa  la sheegay inay ◦Weerar Xoog leh qaadi karto,iyadoo leh  – gantaallo iyo qoryo waaweyn oo ay ku beegsan karto bartilmaameedyada.

T129 ATAK waxay haysataa qalab sirdoon iyo weerar isugu jira, sida raadar-ka aragga habeenka iyo nidaamyada la dagaallanka cadowga.

Sidoo kale Waxay shaqeyn kartaa 24 saac, waqti kasta habeen iyo maalin, iyada oo adeegsaneysa qalabka aragga infra-red-ka,sidoo kale waxay leedahay dhismo adag iyo nidaam-yo ka caawinaya inay iska difaacdo weerarrada lidka diyaaradaha.

Si kastaba halkaani hoose ka daawo muuqaal aad ka arki karto habka casriga ah ee diyaaradaani u dagaalanto:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -