GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Galmudug waxaaa xalay ka djhacay dhacdo la yaab iyo anfariirba lahayd kadib markii hooyo Soomaaliyeed oo uur lahayd la isugu daray kufsi iyo dilintaba.

Hooyadaan oo lagu magacaabni jirey Safiya C/laahi Urur ayaa markii la kufsaday lana dilay waxaa meydkeeda la geeyay deegaanka xaar-xaarka oo dhacda duleedka Gaalkacyo.

Advertisement

lama oga heybta iyo meesha ay ka soo jeedaan kooxaha sidaas arxan darada ula dhaqmay hooyada Soomaaliyeed Rabi ha u naxariistyee.

Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye Taliska Booliiska Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa xuseen inay qabteen rag lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkaasi islamarkaana uu baaritaan ku socodo.

Ehalada gabaha la dilay ayaa durba shaaciyeen inaan la aasi doonin maamadaasi ilaa iyo inta ay cadaalad ugu helayaan,sidaas oo kale maamulka Galmudug ayay ugu baaqeen inay sharciga hor keenaan kuwii dilka iyo kufsiga geystay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here