MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dikreeto ku soo saaray in degmooyinka Muqdisho la gaarsiiyay 20 Degmo halkii ay awal ka ahaayeen 17 Degmo.

Dekreetada Madaxweynaha waxaa Degmooyin loogu aqoonsaday 1-Gubadleey-Garasbaaleey iyo Daara-salaam oo dhamaantood dhaca duleedyada Muqdisho.

Advertisement

Madaama Madfaxweynuhu saxiixay Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley waxay si buuxa uga ka tirsan yihiin Degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u akhriyey digreetada Madaxweynaha.

Sedexdaan degmo ayaa tartamadii ugu dambeeyay ee ciyaaraha degmooyinka Muqdisho waxay uga qeybgali jireen magaca deegaan balse hada wixii ka dambeya waxay ka mid yihiin Degmooyinka buuxa ee Gobolka Banaadir.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here