Diblomaasi Soomaali ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta tahriibinta haween Soomaaliyeed oo lagu geliyay Ireland si sharci-darro ah, taasoo dhalisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan sida shabakadaha caalamiga ah ee tahriibka ay u xeel-dheeraadeen.

Sida uu qoray wargeyska The Times, Mas’uulkan, oo horey uga howlgalayay Sacuudiga, ayaa lagu eedeeyay inuu haween badan si sharci-darro ah u soo geliyay Ireland intii u dhaxeysay Sebtembar iyo Nofeembar, kahor inta aan la xirrin.

Advertisement

Diblomaasiga oo magaciisa weli aan la shaacin waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Dublin bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, xilli uu ka yimid Abu Dhabi

Xarigiisa ayaa si weyn u soo jiitay dareenka laamaha ammaanka, iyada oo sare loo qaaday baaritaanada ku saabsan sida tahriibayaashu uga faa’iideysanayaan marinada rasmiga ah ee xuduudaha. Wuxuu weli ku xiran yahay xabsiga Cloverhill.

Sanadkii la soo dhaafay, saraakiisha socdaalka Ireland ayaa dacwad kusoo oogay 27 qof oo lagu eedeeyay tahriibinta dadka, taasoo muujineysa caqabadaha sii kordhaya ee ka imaanaya kooxaha abaabulan ee tahriibka.

Kororka kiisaskan ayaa daba socda isbeddelo sharciyeed oo xoojiyay awoodda booliska Garda si ay u maxkamadeeyaan eedeysanayaasha.

Dowladda Ireland ayaa sare u qaaday dadaallada lagula dagaallamayo shabakadaha tahriibka, iyada oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo socdaalka sharci-darrada ah iyo tarxiilidda dadka si aan sharci ahayn ku jooga dalka.

Khamiistii la soo dhaafay, Wasaaradda Caddaaladda ee Ireland ayaa masaafurisay 32 qof oo u dhashay Georgia kuwaasoo diiday in si iskood ah uga baxaan waddanka. Wasaaradda ayaa sidoo kale qorsheyneysa duulimaadyo kale oo masaafurin ah bilaha soo socda.

Masaafurintan ayaa la jaanqaadaysa koror ballaaran oo ku yimid amarrada tarxiilka. Sanadkii hore, tirada amarrada masaafurinta ee la saxiixay waxay gaartay 2,403—koror dhan 180 boqolkiiba marka la barbar dhigo sanadkii 2023, xilligaas oo la bixiyay 857 amar.

Tan iyo bilowgii sanadkan, 703 amar oo masaafurin ah ayaa la saxiixay, taasoo muujineysa in dowladdu qaadayso tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka sharci-darrada ku jooga dalka.

Marka laga soo tago tarxiilada khasabka ah, saraakiisha socdaalka ayaa adeegsanaya habab kale oo lagu saaro dadka aan sharciyeysneyn, sida ay sheegtay wasaaradda.

Sanadkii hore, 1,116 qof ayaa si iskood ah uga baxay Ireland iyada oo la adeegsanayo tallaabooyinkan, taasoo ka dhigan koror 252 boqolkiiba marka la barbar dhigo 2023. Ilaa iyo hadda, 311 qof ayaa sanadkan ka tagay Ireland kaddib markii ay heleen amarrada masaafurinta.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here