Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan ballaaran oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku taageerayay uguna mahadceliyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, taas oo ah guul weyn oo u soo hoyatay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaal, howl-wadeennada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulankan ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxda Qaranka guulaha isdaba jooga ah ee ay ka gaareen siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudaha, kuwaas oo horseed u ah in Soomaaliya ay markale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.
May be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people, crowd and textMay be an image of 6 people, crowd and textMay be an image of 12 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people and crowdMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 3 people, suit and textMay be an image of 4 people and headscarfMay be an image of 3 people and text that says "A КА,"May be an image of 4 people, dais and text that says "H- H H1 1-"May be an image of 7 peopleMay be an image of 12 peopleMay be an image of 6 people and wedding
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here