MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa dib u dhac uu ku yimid Furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal kaasoo qorshuhu ahaa inuu furmo bisha June bilowgiisa.

Shir ay maanta yeesheen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Adan Madoobe iyo Cabdi-Xaashi C/llaahi ayaa lagu cadeeyay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka.

Advertisement

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka C/raxmaan Jaabiri oo uu wehliyo Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cabdinaasir Guuleed ayaa Warbaahinta u sheegay in shir dib loogu dhigay acmaasha xajka dartiis.

Labadaan Masuul waxay sheegeen in Ciida Carafada kadib dib loo furi doono kalfadhiga 5-aad ee Baarlanaanka labadiisa Aqal.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here