May be an image of 2 people, dais and text that says "9 FEI CASRIYEYNT CASARIGJ XARIG-J TELEFISH HA KA. KΑ."Muqdisho, February, 09, 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Peir Mario Docco Coppi ayaa maanta xarigga ka jaray Studio-yaasha TV-ga Qaranka, kadib markii lagu sameeyay dib u casriyeyn iyo qalabayn.

Howshaan dib u casriyeynta ah ee lagu sameeyay qayb ka mid ah Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qayb ah howlaha sanadkaan lagu horumarinayo qaybo badan oo ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa tilmaamay in dib u casriyeynta lagu sameeyay Studio-yaasha Wararka iyo Barnaamijyada ee TV-ga Qaranka ay qayb wayn ka qaadan doonaan howlaha muhiimka ah ee Warbaahinta Qaranka ay u hayso ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga sida ay uga qayb qaateen horumarinta Warbaahinta Qaranka.
“Maanta waxaan u joognaa xafladda xarig-jarka dib u casriyeynta Studio-yaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga, barnaamijkaan waxa uu qeyb ka yahay horumarinta Warbaahinta Qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac.
Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aways Jaamac ayaa sheegay in mashruucaan uu hordhac u yahay dib u casriyeyn xoog leh oo lagu sameyn doono Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hadda howshoodu socoto.
Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa sheegay in dib u habaynta lagu sameeyay qaybaha ugu muhiimsan TV-ga Qaranka ay tahay talaabo wax ku ool ah oo horay loo qaaday, asagoo xusay in Dolwadda Talyaaniga ay mar kasta garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, si gaar ahna ay Wasaaradda Warfaafinta kala dhaxayso wadashaqayn ballaaran.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Peir Mario Docco Coppi ayaa shahaado sharaf mahadcelin ah guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada sida wadajirka ah uga soo shaqeeyay hirgelinta dib u casriyeynta Studio-yaasha Telefeshinka Qaranka.May be an image of 5 people, dais, newsroom and text that says "P ESERCITO ESERCITO ZMELLO ZITIELLO"May be an image of 3 people, dais, newsroom and text that says "FEMROZ 202 FE G 김사 DI ISH"May be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and text that says "9F XRIO X RIO CASRE E CASR S 2 5 y Y U 宝"May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people, dais and text that says "FER202 202 FED SH OH"May be an image of 2 people, newsroom, dais and text that says "FE-207 207 FB I0 DI DI D U FIS toer A"May be an image of 2 people, dais and text that says "A FEBO02 02D FEB PIELLO ATALSA TAL ા"May be an image of 2 people, dais and text that says "9 FEB 2025 XARIG RKA บ RIYEYN ISTUNRIYAR ISTU IAHA LEF A."May be an image of 4 people, dais and text that says "ESEROT ZITELLO"May be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 9 people and suitMay be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 people, beard and suit
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here