Warar laga helay dhanka Dowlada Masar ayaa lagu shaaciyay inay Dhoola-tus Milatari isla sameynayaan iyaga iyo Somalia.
Inkastoo aysan Masaaridu waqti cayiman sheegin balse waxay ku gaabsadeen inay bishaan sameyn doonaan dhoola-tuska,islamarkaana ay ka qeybqaadan doonaan ciidamada dhulka,cirka iyo Badda ee labada dal.
Dhoola tuska wuxuu ka dhacayaa Soomaaliya,waxaana ka hadlay sarkaal ka tirsan Dowlada Masar kaasoo tilmaamay in dhoola-tuskaani muujinayo kaliya sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya.
“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya.
“dhoola-tuska wuxuu macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri Sarkaalka masaarida ah.
Dhanka kale dhoola-tuskaan wuxuu cabsida ku sii siyaadin karaa Dowlada Itoobiya oo aad uga  qeylisay labadii diyaarad ee masaaridu lahaayeen iyo saraakiishii la socotay ee dhawaan yimid Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here