Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dabaq dhismihisu uu ka socday Xaafada Islii-Nairobi gaar ahaan waddada 11-aad ee agagaarka carwada Royal Mall.
Mid ka mida shaqaalihii dhismaha wax ka waday ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday halka 2 kalana ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii ay ka soo dheceen dabaqa 13-aad xili sida la sheegay uu bulukeeti la soo dhacay.
Ciidamada Booliiska Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa soo gaaray halka ay wax ka dheceen iyagoona bilaabay baaritaano ku saabsan sidey wax u dhexeen.
Shilkaan oo dhacay shalay duhuradii ayaa waxaa sidoo kale dhaawacyo sahlan ay ka soo gaareen dad dabaqa hoostiisa marayay,sidoo kale baabuur dabaqa ayaa dhibaato soo gaartay kuwaasoo qaarna wadada marayeen qaarna ay yaaleen dabaqa hoostiisa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM