Munaasabad lagu dhiira-galinayay carruurtii ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee shuhadadii naftooda u huray Difaaca Qaranka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

Xafladaan waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin , Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, Saraakiil iyo waalidiin.

Advertisement

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in la joogteen doono daryeelka Carruurta agoonta ah, islamarkaana ay heli doonaan daryeel caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah, laguna dadaali doono carruurta Aabayaashood naftooda u huray Difaaca dalkeenna.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here