MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dhaxalsugaha Dalka Imaaraatka carabta ayaa la sheegayaa inuu goor dhaw muqdisho soo gaari doono xili Dowladuna u diyaar garowday soo dhaweyntiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaxal-suaha dartiis si degdeg u ssoo gaabshay socdaalkiisa furimaha dagaalka isagoo Muqdisho dib ugu soo laabtay si uu u qaabilo dhaxal sugaha.
Warar ku dhaw dhaw Dowlada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Dhaxal sugaha Dowlada Imaaraadku ay yeelan doonaan shir xasaasi kaasoo si gaar ah ugu saabsan la dagaalanka Alshababaab iyo sidii Dowladu uga adkaan lahayd.
Warar hoose ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadku u soo bandhigtay Madaxweyne Xassan inuu dalbado wixii uu doono oo kaalmo maaliyad iyo hub ah si Alshabaab uu gudu ahaan Soomaaliya uga saaro.
Talaabada Dowlada Imaaraadku qaaday ayaa ku soo aadaya xili shalay Dowlada Qatar u soo iibisay Somalia diyaarada casriga ah ee Dronsk-ka taasoo wax duqeyn karta cimilada si kasta ah oo ay hawada ceeryaamo ama roob uga jirto iyagoo ka iibiyay Dalka Turkey.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement