MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa goor dhaw oo barqadii saaka ah gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Imaamka Beesha Muddulood kuwaasoo u sarya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waf digaan oo kuwa ugu sareeya dhaqanka Beesha Muddulood ayaa la sheegay inay u aadeen Baladweyne si ay u xaliyaan dhibaato ka dhalatay ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia oo dhawaan aano qabiil loogu dilay Magaalada Ceel-baraf  ee Gobolka Shabeelaha dhexe markii maleeshiyaad beeleed ay jidka u galeen iyagoo reerahooda u sii socda.

Advertisement

Ciidamadaan la laayay oo tiradooda lagu sheegay 7 ruux ayaa asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beesha Xawaadle ,halka Maleeshiyaadka dilay ay iyaguna ka soo jeedaan beesha Muddulood gaar ahaan Abgaal.

Imaamka Mudduood iyo xubnaha la socda ayaa lagu wadaa inay Baladweyne  isku arkaan dhaqanka beesha Xawaadle oo uu ugu horeeyo Ugaaska Yuusu si xal rasmi ah looga gaaro xiisada ka dhalatay dhalinyaradaasi aanada qabiil loo dilay xili ay qaranka u adeegayeen taasoo ay aad uga wada xumaadeen buls

wadiga odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muddulood waxaa hogaaminaya Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar waxayna ku wajahn yihiin Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan si ay u soo xaliyaan dil arxan daro ah oo dhawaan Magaalada Ceel-Baraf loogu geystay ciidamo qaranka ka tirsanaa kuwaasoo asal ahaan ka soo jeeday Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beesha Xawaadle.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.

No description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here