HomeWarkiiDhaqaale la'aan soo wajahay howlgalka AUSSOM

Dhaqaale la’aan soo wajahay howlgalka AUSSOM

NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Somalia loona yaqaan AUSSOM  ayaa la sheegayaa inuu dhaqaale dari soo wajahay.

Madaxa Howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sivuyile Bam ayaa warbaahinta la wadaagay dhaqaala yarida soo wajahday howlgalka cusub ee AUSSOM kuwaasoo qorshuhu yahay in lagu badalo howlgalkii hore ee ATMIS.

Sivuyile Bam wuxuu ka digay inay sii socoto khatarta dhaqaale ee soo wajahday howlgalka bAUSSOM isagoo carabka ku adkeeyay inay arintaani halis ku tahay sii jiritaanka howlgalka.

Masuulkaani wuxuu ka qeybgalay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya oo ay yeesheen Golaha amaanka Qaramada Midoobe,wuxuu ka digay bixin la’aanta mushaarka ciidamada iyo howlwadeenada sida shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa ciidamada ee u shaqeeya howlgalka.

“waxaan ka digeynaa sii socoshada mushahar la’aanta sii socota 7 ilaa 9 bilood taasoo keentay hadaba niyad jab soo gaaray shaqaalaha iyo ciidamadaba”ayuu yiri Madaxa Howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sivuyile Bam .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -